Allaybaday

Jump to navigation Jump to search

Allaybaday waa magaalo ku taalo galbeedka Somaliland, waxay u dhowdahay caasimada Somaliland Ee Hargeysa oo qiyaas ahaana u jirtaa 60km. Allaybaday waxa ay hoos tagtaa Gobolka Gabiley, waxaana ay ka midtahay saddexda magaalo ee ugu waaweyn gobolkaas oo kala ah Gabiley, Wajaale iyo Arabsiyo. Degmadda Allaybaday waxay u dhaxeysaa xad ahaan magaalooyinka Wajaale iyo Faraweyne oo ka tirsan gobolka Maroodijeex. Degmada Waxaa ay xada la leedahay dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya halkaasi oo ay xad kale la leedahay magaalada Harta Sheekha.

Allaybaday waxa degmo ahaan loo magacaabay sanadkii 2002dii bishii 2aad 12keedii. Iyada oo uu magacaabay madaxweyne Maxamed X, Ibrahim Cigaal AHUN.

Degmada Allaybaday waa degmo aad u balaadhan taariikh weyna ku leh halgankii dub u xoraynta jamhuuriyadda Somaliland.

Juquraafi

Allaybaday waa magaalo qadiimiya waxayna ku taala xadka udhaxeeya somaliland iyo toobiya. Degmadda Allaybaday waxaa hoostaga ku dhawaad 18 tuulo oo ka bilaabato duleedka degmada Arabsiyo Ee Geesdheere Ilaa laga Gaadho xuduudka dawlad Deegaanka Soomalida oo ay magaaladu xuduud la leedahay Isla markaana Laba Degmood u kala qaybiya. Tuulooyinka ugu caansan ee degmaddu maamusho waxaa ka mid Xidhinta, Waalidxoor, Harcadaad, Geedabeera iyo IKK.

Dhaqaalaha

Degmadda Allaybaday waxay hodan ku tahay wax soosaarta dalaga beeraha oo ay ugu weyn tahay Galleyda iti Hadhuudhka Iyana waxaan ka madhnayn khudaarta noocyadeeda kala duwan oo badi la baxda sida Xabcabka, Basasha, Tamaandhada, Dabacasaha, Saladhka, Kaabajka, Baytaraafka, Qajida, Sinsinta, Bunka iyo Badi Khudraha dadku manaafacaadsadaan. Degmadda sidoo kale dhaqaalaheedu wuxuu ku tiirsan yahay narka laga yimaado khudaarta dhanka Xoolaha.

The article is a derivative under the Creative Commons Attribution-ShareAlike License. A link to the original article can be found here and attribution parties here. By using this site, you agree to the Terms of Use. Gpedia Ⓡ is a registered trademark of the Cyberajah Pty Ltd.