Asiyriya

Jump to navigation Jump to search

Isuduwe: 36°00′N 43°18′E / 36.0°N 43.3°E / 36.0; 43.3

Maabka qiyaastii qarnigii 15aad ee Assiyriya

Assiriya (Af-Carabi: آشور Af-Laatiin: Assyria Siyriyak: ܐܬܘܪ) waa boqortooyo ka jirtey bariga dhexe wakhtiyadii hore. Waxa boqortooyadani ka bilaabantey webiga Tigris ee waqooyiga deegaanada Mesobotaamiya. Dadka Assiyriyaanku dhowr jeer ayay maamulo boqortooyo samaysteen kuwaas oo ku fiday deeganadii agagaarkooda ahaa.

Magaca boqortooyadani wuxuu ka soo unkamey magaalada caasimada u ahayd ee la odhan jirey Aššur taasi oo lagu qiyaaso ineey dhisantay sanadkii 2600 C.H (Ciise Hortii), taasi oo maanta ku beegan waqooyiga gobolka Saladiin ee wadanka Ciraaq. Caasimada maamulka Assiyriya ee Aššur waxay markeedii hore ka mid ahayd boqortooyadii Akkadiyaanka ee ka talin jirey inta u badan deegaanada Mesobotaamiya.

Qoraalo La Mid Ah

Xigasho


The article is a derivative under the Creative Commons Attribution-ShareAlike License. A link to the original article can be found here and attribution parties here. By using this site, you agree to the Terms of Use. Gpedia Ⓡ is a registered trademark of the Cyberajah Pty Ltd.