Awdalland

Jump to navigation Jump to search
Awdalland
أرض أودال‎
Calanka Awdalland
Calan
Astaanta Calanka
Calanyahow wacani
Location of Awdalland
Caasimada Boorama
Luuqada(ha) Looga hadlo Af-Soomaali , Af-Carabi
Cadadka Dadka
 -   qiyaas 2 
Lacagta Somaliland shilling
Wakhtiga EAT 

Awdalland (Af carabi: أرض أودال‎) (sidoo kale loo yaqaano Awdal state) waa maamul-goboleed dhaca waqooyigalbeed wadanka Soomaaliya, kaasi oo dadkiisu sheegeen ineey ineey taageersan yihiin Federaalka Soomaaliya. In kastoo deegaankani hoostago maamulka Somaliland, Awdalland waxaa la aasaasay badhtamihii sanadkii 1995 waloow fikrada la xoojiyay oo soo shaacbaxdey sanadkii 2011kii.[1] Guud ahaan, Awdalland waa deegaanada gobolada Awdal iyo Salal.

Taariikh

Awdalland (sidoo kale loo yaqaano "Adalland" ama "Adelland") waxay magaca asal ahaan ka keentay Saldanadii Cadal ee ka talinjirtey deegaankaas qarnigii 16aad. Deegaanada Awdalland ilaa xuduuda wadanka Itoobiya waxaa daadsan deegaano qadiimi ah oo taariikh dheer ku leh dhulkaasi.[2]

Sanadkii 1995, ka dib markii ay burburtey dowladii dhexe ee Soomaaliya, ayaa waxaa soo baxay dhaqdhaqaaq deegaanadaasi ah kuwasi oo sheeggtay Jamhuuriyada Awdal iyo Jamhuuriyada Awdalland taasi oo markii dambe isku bedeshay dhaqdhaqaaq xoogan.[3]

Si kastaba ha ahaatee sanadkii 2009, markii dowlada Soomaaliya sameeysay dowlad Federaaliisim ah ayaa waxaa soo cusboonaaday xoojinta maamul federaal ah oo hoostega dowlada Federaalka Soomaaliya.[4][5]

Qeybaha

Guud ahaan, maamulka Awdalland wuxuu ku fadhiyaa deegaan baaxadisu le'eg tahay 8,566 km2 (3,307 sq mi). Waxaa magaalo-madax u ah caasimada qadiimiga ah ee Seylac, taasi oo dhacda xeebta Baddacas. Magaalooyinka kale ee muhiimka ah waxaa ka mid ah Lughaya, Caasha Cado, Xariirad, Jidhi iyo Lawyacado.

Bulshada

Sida la ogyahay gobolka Awdal ee halbowlaha u ah Awdalland waxaa ku dhaqan dad Soomaali ah, gaar ahaan beelaha Gadabuursi kuwaasi oo ku dhaqan deegaanda agagaarka ah oo dhan.[6][7]

Sidoo kale fiiri

Xigasho

  1. Bselvy. AnVi OpenSource Knowledge Trust. p. 12 https://books.google.com/books?id=eQAjDAAAQBAJ&pg=PA12&lpg=PA12&dq=awdalland+new+state&source=bl&ots=wt4_BWz5nN&sig=sBT6PuyFVa6NPicX0lym_xrM_Rs&hl=en&sa=X&ved=0ahUKEwih2eHjx-3NAhXD1CYKHfpZBJQ4KBDoAQgsMAM#v=onepage&q=awdalland&f=false.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  2. Richard Burton, First Footsteps in East Africa, 1856; edited with an introduction and additional chapters by Gordon Waterfield (New York: Praeger, 1966), p. 132. For a more recent description, see A. T. Curle, "The Ruined cities of Somaliland", Antiquity, 11 (1937), pp. 315-327
  3. . University of Pennsylvania - African Studies Center http://www.africa.upenn.edu/Hornet/awdal.html. La keydiyay asal ahaan 14 February 2007. Soo qaatay 2007-01-29.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  4. . 8 September 2009 http://www.lughaya.com/archives/4612. Soo qaatay 24 June 2014.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  5. . 7 August 2010 http://ssctimes.com/?p=1447. Soo qaatay 6 December 2013.  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  6. Battera, Federico. "Chapter 9: The Collapse of the State and the Resurgence of Customary Law in Northern Somalia". Walter Dostal, Wolfgang Kraus (ed.). I.B. Taurus. p. 296. ISBN 1-85043-634-7 http://books.google.co.uk/books?id=Pos3wAofV4UC&lpg=PP1&pg=PP1#v=onepage&q=&f=false. Soo qaatay 2010-03-18. Awdal is mainly inhabited by the Gadabuursi confederation of clans. The Gadaabursi are concentrated in Awdal....  Maqan ama ebar |title= (caawin)
  7. . Michigan State University. p. 35 https://books.google.com/books?id=s3kMAQAAMAAJ. …the new 'Awdal' region almost entirely inhabited by Samaroon.  Maqan ama ebar |title= (caawin)

Tixraac


Maamul Goboleedyada Soomaaliya Calanka Soomaaliya
 Puntland ·  ·  Galmudug ·  Hirshabeelle ·  Koonfur Galbeed Soomaaliya ·  Jubaland
Maqaam gaar ah  Banaadir waa caasimadda Soomaaliya
The article is a derivative under the Creative Commons Attribution-ShareAlike License. A link to the original article can be found here and attribution parties here. By using this site, you agree to the Terms of Use. Gpedia Ⓡ is a registered trademark of the Cyberajah Pty Ltd.