Axmed Mooge Liibaan

Jump to navigation Jump to search
Haku khaldin fanaanka "Maxamed Mooge Liibaan"
Axmed Mooge Liibaan

احمد الموجي لبنان
Dhalasho (1943-01-01) Janaayo 1, 1943 ( 77jir)
Hargeysa, Somaliland
Dhimasho Oktober 1997
Nayroobi, Kenya
Cause of death Xanuun
Ku aasan Nayroobi, Kenya
Dhalashada Soomaali
Wadanka Flag of Somalia.svg Soomaaliya
Shaqada Fanaan, kabanyahan, Heesa, halabuur, laxanmiiste, abwaan, muusigyahan
Sanadaha Shaqada 1967kii ilaa 1980meyihii
Ka tirsan Hobolada Waaberi, Walaalaha Hargeysa
Shaqooyinka ugu muhiimsan Fanka Soomaalida, Qaaci, Qaraami, Kaban (Cuud)
Diinta Suufi Islaam
Qaraabada Maxamed Mooge Liibaan (walaal)
Website
Axmed-mooge.com
Notes
Axmed Mooge iyo walaalkiis Maxamed Mooge waxay ka mid ahaayeen fanaaniinta Soomaalida ee ugu caansana wakhtigoodi, waxaana aad loogu xasuustaa heesaha lidka ku ahaa dowladii Maxamed Siyaad Barre.

Axmed Mooge Liibaan (Af Ingiriis : Ahmed Mooge Liibaan, Af carabi: احمد الموجي لبنان) (geeriyooday Oktober 1997) wuxuu ahaa fanaan, kabanyahan, Heesa, halabuur, laxanmiiste, abwaan, muusigyahan iyo majaajileyste ku soo barbaaray magaalada Hargeysa, Somaliland. Fanaan Axmed Mooge iyo walaalkiis Maxamed Mooge Liibaan waxay ka mid ahaayeen hobolada ugu caansan ee heesaha sameeysta. Sidoo kale waxaa Axmed lagu yaqaanay heeso gubaabo iyo dhaqdhaqaaq lid ku ah dowladii kalitaliska ahayda ee Soomaaliya.

Taariikh

Axmed Mooge wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa ee maanta caasimada u ah maamulka Somaliland wakhti lagu qiyaaso 1943dii. Asaga iyo walaalkiis Maxamed ayagoo da' yar ayaay bilaabeen heesida iyo laxameeynta suugaanta Soomaalida. Sidoo kale Maxamed wuxuu ka tirsanaa Hobolada Waaberi ee ugu caansanaa geyiga wakhtigaasi. Axmed Mooge wuxuu aad ugu soo shaacbaxay garaacida kabanka oo in badan uu sameeyay muusig.

Fanka

In kastoo Maxamed Mooge iyo walaalkii Axmed ay sameeyeen iyo ku luuqeeyeen heeso badan oo dhinacyo badan taabanaya waxaa ugu caansanaa kuwan hoos ku xusan:

  • Gaasira
  • I taageer Allahayow
  • Adduunyooy
  • Aduunyadu Wareeriyo
  • Gaashaamo
  • Nin Raga
  • Dadka hayska weyneyn
  • Dalxiis
  • Dhayyal looma heesee
  • Dhulkii hooyo
  • Doonidii Jacaylka
  • Galbis
  • Guga
  • Habluhu kala wanaagsan
  • Hami Iyo Jacayl
  • Haween U Samir
  • Idil
  • Ifka
  • Jirab
  • La Jiifiyaana
  • Maxaa Iga Galay Nin Geelbadan
  • Maxamed
  • Mudantii haweenkaa
  • Nabsiga Hiisha
  • Nafta Ku Ogolaatay
  • Oogada Jirkeygiyo
  • Saxarla
  • Saylaha
  • Shacbaan
  • Waa Oday Kasheekee
  • Walaac
  • Waayeel Dadow
  • Xeebtaa Jabuuti
  • Xilo Jano
  • sabab kale ha moodine

Sidoo Kale Fiiri

Cadaymo

Xidhiidhyo Banaanka Ah

Tixraac

The article is a derivative under the Creative Commons Attribution-ShareAlike License. A link to the original article can be found here and attribution parties here. By using this site, you agree to the Terms of Use. Gpedia Ⓡ is a registered trademark of the Cyberajah Pty Ltd.