Bohriyaam

Jump to navigation Jump to search

Bohriyaam

Ninka loogu magaca daray curiyaha Bohriyaam, Niels Bohr.

Bohriyaam (ingiriis: Bohrium) astaanta (Bh) waa curiye kimiko oo tirada atomkiisu tahay boqol-iyo-todoba (107). Curiyaha Bohriyaam waa bir ka tirsan Transitional Metalska guruubka 7aad ee Diwaanka Curiye, taas oo miisaanka atomkeedu yahay 270.

Curiyaha Bohriyaam waxaa loogu magac daray saynisyahanka reer Denmark ee Niels Bohr, waana curiye lagu sameeyo laabka (laboratory) oon laga helin dhulka ayadoo dabiici ah. Bohriyaamtu waa radioactive hab-dhismeedkeedu daganayn, halka isotope ee dagan waa 270Bh taas oo noolaan karta cimri dhan 61 ilbiriqsi.

Curiyaha Bohriyaam waxay ka mid tahay bir guruubka 7aad ee diwaanka curiyahaha iyo biraha guruubka d-block.


The article is a derivative under the Creative Commons Attribution-ShareAlike License. A link to the original article can be found here and attribution parties here. By using this site, you agree to the Terms of Use. Gpedia Ⓡ is a registered trademark of the Cyberajah Pty Ltd.