Camuud

Jump to navigation Jump to search
Camuud
Deegaan qadiimiya
House in Old Amud.jpg
Aqalka sadex-geeska ee taarikhiga
Camuud is located in Somalia
Camuud
Camuud
Meesha ka dhacdo Somaliland
Coordinates: 9°59′57″N 43°13′56″E / 9.99917°N 43.23222°E / 9.99917; 43.23222Coordinates: 9°59′57″N 43°13′56″E / 9.99917°N 43.23222°E / 9.99917; 43.23222
Wadanka  Somaliland
Gobolka Awdal
Aag saacadeed UTC+3 (EAT)

Camuud (Af Ingiriis : Amud or Amoud, Af carabi: عمود) waa deegaan qadiimi ah iyo magaalo wakhtiyo hore jirtey taasi oo maanta dhacda waqooyi-galbeed gobolka Awdal, Somaliland.[1] Deegaanka waxaa loogu magacdaray sheekh wakhtiyo hore deegaanka joogi jiray oo la yidhaahdo Sheekh Camuud[2]

Deegaanka Camuud (Amoud Valley) waa dhul beeroleey ah oo dhaca 5 km waqooyi bari magaalada Borama. Deegaankan oo leh dooxyo dhowr ah, sida Dooxa Qoor-gaab, ayaa waxuu caan ku yahay beeraha khudaarta iyo midhaha. Jaamacadda Camuud waxay ku taalaa koonfurta deegaanka Camuud, taasi oo ah meesha loogu magac daray jaamacada.[3]

Hordhac

Qisaastii wakhtiyadii gumeysiga Ingiriisku maamuli jiray waqooyiga Soomaaliya ayaa wuxuu dhisay dugsi sare oo loogu magac daray deegaanka Camuud, waa Dugsiga Sare ee Camuud. Tan iyo wakhtigii dowladii Siyaad Bare dugsiga Camuud wuxuu ahaa iskool ardeydu wax ka bartaan isla mar ahaantaana dhex dagan yihiin, sababtoo ah magaalada wuu ka go'naa dugsiga sare ee Camuud.[4]

Ka dib, burburkii dowladii Soomaaliya ayaa keenay in dugsigii sare isna burburo, kaasi oo dib loo soo nooleeyay sanadkii 1996dii markii la isla gartey in laga dhigo Jaamacada Camuud.[5]

Muuqaalo

Sidoo kale fiiri

Tixraac

  1. Damtew Teferra, African higher education: an international reference handbook, (Indiana University Press: 2003)
  2. Somaliland: With Addis Ababa and Eastern Ethiopia
  3. "Deegaanka Camuud waa beeroleey 5 km waqooyi bari magaalada Borama"
  4. "wakhtiyadii gumeysiga Ingiriisku maamuli jiray waqooyiga Soomaaliya"
  5. "The History Of Amoud University". 
The article is a derivative under the Creative Commons Attribution-ShareAlike License. A link to the original article can be found here and attribution parties here. By using this site, you agree to the Terms of Use. Gpedia Ⓡ is a registered trademark of the Cyberajah Pty Ltd.