Milix

(Waxaa laga soo toosiyay Cusbo)
Jump to navigation Jump to search
Milixda waxaa laga helaa biyoha badaha.

Milix ama Cusbo (Af-Carabi: ملح Af-Taliyaani: sale Af-Ingiriis: salt) waa Isku dhis macdan quruurax ah oo laga helo biyoha dhanaan e badaha. Cusbadu waxay ka samaysan tahay curiyeha Sodhiyaam iyo Koloriin, waa isku dhiska SodhiyaamKoloraydh (NaCl).

Si dabiici ah ayaa Milixda looga helaa biyaha badaha taas oo halkii litir ee biyaha bada ah 35g ayaa Cusbo ah una dhiganta 3.5%. Cusbadu aad ayay muhiim ugu tahay dhismaha jidhka bani-aadamka, waana billowga dhadhanka ee wax walba. Guud aahaan qadarka cusbo ee ku jirta jidhka xayawaanka ayaa ka badan xadiga laga heli karo jidhka dhirta.

In ka badan 6000 oo sanno ka hor ayaa Milixda la isticmaali jiray, waxaanay ka mid tahay waxyaabaha ugu da'da weeyn ee Aadamuhu aqoonta u leeyihiin.

Sida caadiga ah Cusbada waxaa laga keenaa ayadoo la uumi-bixinayo biyaha bada ama laga qodayo godad eey ku qalshay. Sidoo kale warshaduhu waxay ka sameeystaan falgalka Sodhiyaam iyo Koloriin.

Marka laga yimaado ku darsiga cuntada iyo cabitaanka, isku dhisyada Milixda waxaa loo isticmaalaa in laga sameeyo kimiko warshaduhu isticmaalaan, bacaha, waraaqadaha xamagta iyo waxyaabo kale oo badan.

= Taariikhda Milixda

=

Noocyada Milixda

Isku Dhisyada Dabiiciga

Fal-galka Curiyeha Milixda

Isticmaalka Milixda

Soo Saarka Milixda

Qoraalo Kale

Tixraac

The article is a derivative under the Creative Commons Attribution-ShareAlike License. A link to the original article can be found here and attribution parties here. By using this site, you agree to the Terms of Use. Gpedia Ⓡ is a registered trademark of the Cyberajah Pty Ltd.