Dhaban

Jump to navigation Jump to search
Dhabanka gabadh da' yar.

Dhaban sidoo kale loo yaqaano daan (Af carabi: وجنة Af-Taliyaani: guancia Af Ingiriis : cheek) waa xubno ka mid ah wejiga dadka kaas oo u dhexeeya dhegaha, indhaha hoostooda, sanka iyo afka ilaa laga gaadho meesha u hooseysa wejiga. Sida caadig ah dadka waxay leeyihiin labo dhaban kuwaas oo kala ah dhabanka midig iyo kan bidix.

Inta u badan xayawaanka naasleyda ah oo dadku ka mid yahay, dhabanadu waa hilib jilicsan kaasi oo kala bixi kara marka afka la kala qaado iyo marka cunto badan afka ku dhex jirto. Dhabanada gudahooda waxaa ku yaala dahaar yar oo khafiif ah kaas oo marka tijaabo DNA laga qaadayo laga helo.

Dhabanada labka dadka waxaa dul saaran timo badan kuwaas oo loo yaqaano gadh.

The article is a derivative under the Creative Commons Attribution-ShareAlike License. A link to the original article can be found here and attribution parties here. By using this site, you agree to the Terms of Use. Gpedia Ⓡ is a registered trademark of the Cyberajah Pty Ltd.