Digaagad

Jump to navigation Jump to search
Lamaane digaag ah: diig iyo digaagad

Digaagad (Af-Carabi: دجاجة Af-Taliyaani: gallina Af-Ingiriis: hen) waa shimbir gurijoog ah oo dadku dhaqdaan. Digaagadu waa dhediga digaaga, waxaanay ka mid tahay xoolaha dadku leeyihiin, taas oo la cuno hilibkooda iyo ukuntooda.

Digaaga kiisa lab waxaa loo yaqaanaa diig, halka mida dhedig lagu magacaabo Digaagad.

Wakhti imika laga joogo 30 qarni (3,000) oo sano ka hor, ayaa wadanka Hindiya lagu dhaqan jirey digaaga, laakiin waxaa la aaminsan yahay in wakhti intaas ka badan ka hor dadku dhaqan jirey digaaga.

Dhinaca kale, tirokoob la sameeyay sanadkii 2003da waxaa lagu ogaaday in tiro dhan 24 bilyan digaag ah ku nool yihiin daafaha dunida.

The article is a derivative under the Creative Commons Attribution-ShareAlike License. A link to the original article can be found here and attribution parties here. By using this site, you agree to the Terms of Use. Gpedia Ⓡ is a registered trademark of the Cyberajah Pty Ltd.