Khadra Cige

(Waxaa laga soo toosiyay Khadra Daahir Cige)
Jump to navigation Jump to search
Sharaxaad badan iyo faahfaahin fanaaniinta, fadlan fiiri Fanaaniinta Soomaaliya.

Khadra Daahir Cige (Af Ingiriis : Kadra Daher Igeh; Af carabi: خذر ظاهر عغه) waa fanaanad weyn oo ku heesta af-Soomaaliga taasi oo leh suugaan iyo heeso aad u badan.[1] Heesaha ay qaado fanaanadani oo u badan wadani, goobaabin, talo-siin, dhiiri-gelin iyo wanaag darteed ayaa Khadra loo siiyay magaca weyn ee Boqorada Fanka Soomaaliyeed.[2] Intaasi waxaa dheer, Khadra Daahir waxaa ay leedahay naanays ay ku kasbatey kartideeda iyo hanaan-wanaageeda, waxaana lagu naanaysaa Khadra Qaali.[3]

Sooyaal

Khadra daahir cige Fanaanda wayn ee caanka ah Khadra Daahir Cige waxay ku dhalatay magaalada Hargeysa, halkaas ayey ku barbaartay waxna ku baratay, ka hor intii aanay jiidan dabaysha fanka-jacaylka oo biyo dhigtay yaraanteedii. Sida ay Khadra Daahir sheegtay muxibadda fanku waxay la kowsatay koritaankeeda garaadka. Intii ay waxbarashada ku jirtay ayay bilowday qaadista heesaha,

heesteedii ugu horaysay

khadra Daahir cige waxay qaaday 250 heeso.................................. heestii ugu horeysay ee ay qaadanaa waxay ahayd hees waddani ah oo uu alifay Cali Ibraahim Iidle oo ahaa macalin luqadda carabiga dhiga, Khadrana Daahirna macalin u ahaa. Heesta waxay qaaday sannadkii 1972-kii, waana heesteedii koowaad ee ay bilowday fanaka ay qanita ku tahay. Heesteedaa koowaad waxaa midhaheedii ka mid ahaa: Hawl iyo dadweynoow, Hantidoon wadaagnaa Waa horumarkeeniyo Hido aynu leenahay, Hayaan baa la gelayaa, Khadra Daahir, intaa kagamay hadhin jacaylka ay u haysay fanka, waxayna kor u sii kacday markii ay dhiiri-gelin ka heshay dad badan oo ka mid ahaa bahda fanka, waxayna mar kale hees la qaaday hablo ay isku Iskuul ahaayeen. Saalax Qaasim oo aad ula dhacay codka inantaa yar, ayaa madaxii idaacadda raadiyow Hargeysa, Idiris Cigaal u sheegay in ay Khadri heesi karto, sidaa darteedna la qaato. Iyada oo sidii wax u dhaceen ka sheekaynaysa waxay tidhi “waxaa la ii geeyay Allaha ha u naxariistee Ismaaciil Yare, Huuryo, Saalax Qaasim iyo Siciid Xarawo, waxayna i yiraahdeen ”hees kale maqaadi kartaa?”. Waxaan qaaday hees kale oo ay Sahra Axmed qaado. Khadra Daahir Cige, waxay si toos ah fanka u bilowday sannadkii 1974-kii. Habeen habeenada ka mid ah, ayay Khadra ka qayb-gashay xaflad, waxayna halkaa kula kulantay fannaanka Saalax Qaasim oo kabanka u garaacay markii la sara-kacday hees ay qaado fannaanadda Sahra Axmed. Maalintaa kadib, Khadra waxaa loo aqoonsaday fannaanad ka midda hoboladii Waaberi, iyadoo isla sannadkaa si buuxda uga qayb-gashay riwaayado caan ahaa oo ay ka mid tahay Dab jacayl Karin Waa, oo kamida ruwaayadaha soomaalida kuwa ugu horreeya uguna caansan, curiyeyna abwaan Xassan X.C/laahi (Xassan-Ganey). Khadra Daahir, waxay ku caan baxday ku luuqaynta heesaha jacaylka ah oo ay kaga soo dhex-mudhay masraxyadihii kala duwannaa ee fanka soomaalida, waxaanay qaab-masrixiyeedkeeda, fannaan-nimadeeda iyo luuqdeeda dabacsan-ba ku soo jiidatay dadweyne aad u tiro badan oo soomaali ah oo xoog u dhegeysta heesaheeda, kuwaas oo ay xitaa ka mid yihiin fannaaniin iyo abwaanaba. In badan oo Soomaalida ka mid ahi, markay fanka ka hadlayaan waxay Khadra ku tilmaamaan boqorada jacaylka. Mar la weydiiyay heesteedii u horeysay ee jacaylka ahayd ee ay qaaday, waxay sheegtay in ay ahayd hees uu sameeyay nin la odhan jiray Maxamuud oo reer Hargeysa ah. Heestaasi, waa heesta caanka ah ee ereyadeeda ka midka yihiin; Afka lagama sheegtoo, Adigoon Jacayl arag, Looma uur xumaadee Heestani, waxay ahayd tijaabadii ugu dambaysay ee Khadra laga qaado, ka hor intii aanay ku dabaallan badweynta heesaha ee ay marba dhinac u qaadaysay. Su’aal ku saabsanayd, sidii dareenkeedu ahaa markay fanka bilowday waxay tidhi “ Waan yaraa, waayo-aragnimana maan lahayn, balse waxa I jiidanayay jacaylka aan u qabay fanka.“Marka laga tago riwaayadii la odhan jiray Dab Jacayl Karin Waa oo ay Khadra kala wareegtay Sahra Axmed oo markii hore heesaaga koowaad ka ahayd. Waxa kale oo ay markiiba hogaan-qaaday riwaayad la odhan jiray Jini iyo Jacayl oo noqotay mid markiiba ku fiday daafaha dhulka soomaalidu degto. Heesaha ay qaado Khadra Daahir, waxa intooda badan sameeyay Abwaan Xasan X. C/laahi (Xasan Ganay). Hase yeeshee, heesta ay ugu jeceshahay heesaha ay ku luuqayso, waxay ku tilmaantay hees uu sameeyay abwaan Maxamed Cali Kaariye. Mar ay arrintaa ka hadlaysayna waxay Khadra tidhi, “Heesahayga waxaan ugu jecelahay, Jacaylkii Boorama, kii Bulaale iyo Herer, Berberiyo Hargeysiyo, kii Banaadir igu helay”. Fannaanadu, waxay jacaylkeeda heestaa bud dhig uga dhigtay munaasibad u gaar ah oo ay ka turjumaysay sida ay u jeceshay, taas oo ku yeelatay saamayn Khadra lafteeda dhinaca cishqiga. Heesstaasi waxay lahayd laba munaasibadood, ta hore abwaanka sameeyay oo jacayl rasmi ahi ii hayay, iyo aniga laftayda oo markaa la i hayay.“ Sidaa waxa tidhi Khadra Daahir oo daboolka ka qaaday, jiritaanka sharaxaad ay bulshadu ka bixin jirtay aroorka nudaha iyo macnaha ay heestu xambaarsan tahay. Haddaba Khadra Daahir Fankeedii, iyadoo aan lasoo koobi karayn, waxa aanu milicsanay in aanu intaa Kooban kasoo qaadano, intaasoo waliba saxaafadda Somaliland ka diyaarisay mar ay Hargeysa booqasho ku timid. Inkasta oo fannaanaddu imika ay joojisay fankii, una baydhay dhinaca diinteena suuban ee islaamka iyo barashadeeda, ayaa waxay wakhtigan xaadirka ah inta badan ku nooshahay qurbaha, iyad oo fannaanadu aad uga deyrisay nolosha qurbo joogga ah oo ay ku macnaysay mid adag oo ka soo horjeedda dhaqanka soomaalida. “Waa meel aanad cidna ka garanayn. Dhibaatooyinka qurbaha nagu qabsaday, waxa ka mid ah wax-soo-saarkayagii oo yaraaday” ayay tidhi Khadra oo ka hadlaysay carqaladaha dhulka shisheeye ay kala kulmeen.


Taariikhda Khadra

Khadra Daahir Cige waxay ku dhalatey magaalada Hargeysa ee gobolka Waqooyi, ee deegaanada Waqooyiga Soomaaliya maanta loo yaqaano Somaliland.[4]

Ka dib, qiyaastii sanadkii 1979kii ilaa 80meeyihii ayaa Khadra ku soo biirtay fanka wakhtigaasi oo lagu sheego ineey jacayl dartii u biloowday ineey heesto.[5][6][7]

Heesaha Fanaanada

Fanaanada Khadra Daahir waxay leedahay tiro badan oo heeso ah, kuwaasi oo iskugu jira wadani, jacayl, guubaabin, dhiirigelin, haasaawe, amaan, duco, wacyi, wargelin iyo wax-sheeg.[8]

Fanaanadu waxay ka tirsanayd Hobolada Waaberi ee hogaanka u ahaa fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.[9]

Heesaha fanaanada Khadra qaado waxaa ugu caansan oon soo qaadan karnaa:

  • Heesta Jaleelo
  • Heesta Caashaqu Sadweeye: heestani waxa si talantaali ah u wada qaada Khadro Daahir iyo Saalax Qaasim
  • Heesta Ma Gudho Caashaqaygu

Fanaaniinta Soomaaliyeed

Fannaaniinta Soomaaliyeed ee caanka ah aad bay u badan yihiin rag iyo dumarba; haddaynnu dhawr ka xusno fannaaniintii hore ee waaweynaa waxa ka mid ah kuwa ku xusan jadwalka hoose.

Fanaaniinta Soomaaliyeed
Magaca Kooxda Wakhtiga Fanka Sawirka Faalo Kooban
Cabdi Deeqsi Warfa (Cabdi Sinimo)
Maxamed Saleebaan Tubeec Hobolada Waaberi 1967dii ilaa 2010kii Boqorka Codka
Xaliima Khaliif Magool Hobolada Waaberi 1969kii ilaa 1993dii Boqorada Codka
Hibo Maxamed Hudoon (Hibo Nuura) Hobolada Waaberi 1974tii ilaa maanta Hooyada Fanka
Cabdi Tahliil Warsame (Tahliil) Hobolada Waaberi 1971dii ilaa maanta Cod Wanaagsane
Maxamed Nuur Giriig Hobolada Waaberi 1970kii ilaa
Qamar Maxamed Xuseen Hobolada Waaberi 1980kii ilaa 1994tii Gabadha Fanka
Saalax Qaasim Hobolada Waaberi Aabaha Fanka
Khadra Daahir Cige Hobolada Waaberi 1978kii ilaa hada
Khadra.jpg
Boqorada Fanka
Saado Cali Warsame Hobolada Waaberi 1979kii ilaa hada
Cabdi Nuur Alaale hobolada Jabuuti
  • Fanaanka ugu heesaha badan
Maxamed Mooge Hobolada Waaberi 1971dii ilaa 1988dii Madaalaha Fanka
Xasan Aaden Samatar Hobolada Waaberi
  • Libaaxa Fanka
  • Fanaanka labaad ee ugu heesa badan
Axmed Mooge Liibaan Hobolada Waaberi 1973dii ilaa 1991dii
Maxamed Mooge Liibaan Hobolada Waaberi 1962dii ilaa 1980dii
C.Qadir Macalin Jubba kooxda Waaberi 1979kii ilaa maanta Yarka Sanadka
Cumar Dhuule kooxda Ileys 1972kii ilaa 1998dii
Sahra Axmed kooxda Ileys/Hobolada Waaberi 1978dii ilaa 2004tii
Sahra.jpg
Quruxda Fanka
Faadumo Cabdilahi Maandeeq
Cabdule Yusuf Hanuuniye Hobolada Waaberi Ma daalaha Waaberi
Cumar Shooli
Axmed Naaji Sacad
Axmed Nuur Jaangow
Siciid Harawo
Axmed Yaasiin Digfeer
Shimaali Axmed Shimaali kooxda Dalmar/Kooxda Ileys 1982dii ilaa maanta Jeceeyloowga Fanka
Maxamed Xasan Lafoole
Cumar Dhuule Cali
Aamina Cabdilahi Xirsi
Kinsi Xaaji Aadan
Saalax Qaasim Naaji
Cawaale Aadan 2005tii ilaa maanta Xidigga Fanka

Qoraalo La Mid Ah

Xigasho

  1. "fanaanad weyn oo ku heesta af-Soomaaliga taasi oo leh suugaan iyo heeso"
  2. "Boqorada Fanka Soomaaliyeed"
  3. "Khadra Qaali"
  4. "Hargeysa ee gobolka Waqooyi, ee deegaanada Waqooyiga Soomaaliya maanta loo yaqaano Somaliland"
  5. "qiyaastii sanadkii 1979kii ilaa 80meeyihii ayaa Khadra ku soo biirtay fanka wakhtigaasi oo lagu sheego ineey jacayl dartii u biloowday ineey heesto"
  6. "magaalada Hargeysa"
  7. "Soomaaliya"
  8. "Khadra waxay leedahay tiro badan oo heeso ah, kuwaasi oo iskugu jira wadani, jacayl, guubaabin, dhiirigelin, haasaawe"
  9. "Hobolada Waaberi ee hogaanka u ahaa fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed"
  10. ""Qoraalka Ii kaalay", qorida Suge"
The article is a derivative under the Creative Commons Attribution-ShareAlike License. A link to the original article can be found here and attribution parties here. By using this site, you agree to the Terms of Use. Gpedia Ⓡ is a registered trademark of the Cyberajah Pty Ltd.