Qureebaad

Jump to navigation Jump to search
Qureebaad
Basboosa.jpg
Qureebaad la dul saaray macmacaan
Magac kale Qarjamle, Basbu
Nooca Cunto fudud
Asal ahaan Jabuuti, Soomaaliya, iyo Eritrea
Wadanka Geeska Afrika, Bariga Dhexe iyo Balkans
Ka kooban daqiiq cad, khamiir, biyo, sonkor, milix
Sidoo kale fiiri: Cunto SoomaaliCuntoRaashin  (Qureec, Qado, Casho)

Laxoox (Af carabi: بسبوسة, Af Balkan: revani ama ravani, Af Ingiriis : Basbousa) waa cunto fudud oo laga diyaariyo daqiiq cad, khamiir, biyo, sonkor, milix la isku dhex laaqay; taasi oo laga cuno deegaanda Jabuuti, Soomaaliya, iyo Yemen. Sidoo kale qureebaadku wuxuu caan ka yahay deegaano ka mid ah Geeska Afrika, Bariga Dhexe iyo Balkans[1][2][3]


Diyaarinta Qureebaadka

Qureebaadka waxaa laga diyaariyaa daqiiq lagu qasay fixiso, khamiir, biyo diiran, yeast iyo milix taasi oo si fiican loo garaaco (tumo) si ay iskudhexgalaan iskudarkaasi, ka dib meel la dhigo mudo saacado ah si ay u khamiirto.[4] Sida ugu badan daqiiqda laga diyaariyo laxooxda waxaa laga sameeyaa garowga.[5]

Laxooxda waxaa lagu dubaa bir wareegsan oo loogu talogalay taasi oo loo yaqaano daawo. Wadanada qaar, gaar ahaan qurbaha waxaa la isticmaala maqle.

Isticmaalka

Sida caadiga ah, laxooxdu waxay ka mid tahay qureec iyo cashada meelo badan oo dadka Soomaalidu ku dhaqan yihiin. Waxaa laga yaabaa in dadka qaar xataa ku qadeeyaan laxooxda. Sidoo kale, loxooxda waxaa lagu darsadaa subag, malab ama suugo iyo koob shaah ama bun ah. Laxooxda la cuno wakhtiga qadada waxaa lagu darsadaa suugo ama maraq.[6]


Qoraalo La Xidhiidha

Linkiyo Banaanka


Tixraac

  1. Little Business Women
  2. Mohamed Diriye Abdullahi, Culture and Customs of Somalia, (Greenwood Press: 2001), p. 113.
  3. Hatikva market — the other side of Tel Aviv
  4. Preparing Lahoh
  5. name="Abdullahi"
  6. name="Abdullahi"
Commons-logo.svg
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro:
The article is a derivative under the Creative Commons Attribution-ShareAlike License. A link to the original article can be found here and attribution parties here. By using this site, you agree to the Terms of Use. Gpedia Ⓡ is a registered trademark of the Cyberajah Pty Ltd.