Sacab

Jump to navigation Jump to search
Haku khaldin sacab (gacan)

Sacab (Af-Ingiriis: clap) waa shanqadha ay sameeyaan marka la iskudhufto gacmaha. Dadku inta ugu badan waxay sacbiyaan marka wax dhiirigelinayaan, amaanayaan, iyo u muujinayaan ogolaansho. Sidoo kale sacabka waxaa lagu daraa heesaha si uu dhadhan ugu sameeyo.


Isticmaalka Muusiga

Muusiga ay ka mid tahay qaaciga iyo qaraamiga waxaa caan ku ah sacab-tumista si loogu macaaneeyo heesta.[1]

Caafimaadka

Sida lagu sheegay cilmibaadhis dhowaan la sameeyay, sacab-tumistu waxay caawisaa jidhka dadka. Waxaa la sheegay in sacbintu u fiican tahay isla markaana caawiso wareega dhiiga.

Laxan saarista

Sacabka waxaa inta ugu badan lagu isticmaala marka hees cusub laxan la saarayo. Tix hees ah marka loo sameeynayo dhawaaq waxaa la tuntaa sacab si shanqadh la jaanqaadi karta loo helo.

Aduunyada

Markeey taariikhdu ahayd 5tii Maay 2014, nin lagu magacaabo Eli Bishop oo ku nool magaalada Boston wadanka Maraykanka wuxuu sameeyay rikhoodhkii ugu badnaa ee sacab tumista caalamka. Ninkani wuxuu halkii daqiiqo garaacay 1020 sacab.[2]

Qoraalo La Xidhiidha

Linkiyo Banaanka

Tixraac

  1. "Voices", RobPaterson.com.
  2. "Most claps in a minute". Retrieved 2015-09-07. 
The article is a derivative under the Creative Commons Attribution-ShareAlike License. A link to the original article can be found here and attribution parties here. By using this site, you agree to the Terms of Use. Gpedia Ⓡ is a registered trademark of the Cyberajah Pty Ltd.