Unug

Jump to navigation Jump to search
Jaantus; Hab-dhiska unugga xayawaanka

Unug (Ingiriis:Cell) Unuggu waa waxa ugu yar waxa nool ama waxa la oran karaa waa halbeega nolosha. Unuggu waa waxa ugu yar xubnaha maatarka/walaxda ee si caddaan ah loo oran karo waa nool yahay. Waxaana waar sar micneheedu yahay waxaa unuggu samayn karaa wax allaale iyo wixii asaas u ah shaqada ee astaan u ah nolosha sida taranka, dheefshiidka, koritaanka iyo qaybsanka unugga giddina waxay ka dhacaan borotobalaasimka unugga gudihiisa. In kasta oo ay unugyadu iskaga mid yihiin aasaaska dul ahaaneed ee qaabka haddana waxa ka muuqda unnugyada in ay si aad ah u kala duwan yihiin.

Unugyaadu shaqada, dhiska, qaabka iyo baaxadaba waa ku kala geddisan yihiin. Dhanka kale haddi aynu ka eegno unugyadu waxay iskaga mid yihiin hawsha ka socota unugga gudihiisa iyo dhiska guud ahaaneed.

Taariikhda helitaanka dhiska unugga

Robert Hooke Ninkii helay dhiska unugga

Dhiska unugga waxaa ugu horreeyey oo helay nin la oran jiray Robert Hooke Markii tariikhdu ahayd 1667. Markaas uu unugga helay wuxuu adeegsanaya weyneeye qadiimi ah. Markaas wuxuu rumaysnaa in unuggu maran yahay oo uu gidaarka unuggu(cell wall) yahay qaybta ugu muhiimsan unugga. Muddo ka dambaysay ayaa la ogaaday in ay qaybta ugu muhiimsan unugga nooli tahay waxa ku jira unugga.

Weyneeyihii uu adeegsadey Hooke

Dhirta iyo xayawaanka

Dhirta iyo xayawaanku waxay ka samaysan yihiin unugyo, noolaha waaweyn waxaa jirkoodu ka kooban yahay maaayiin unug. Noolaha unu badanlayda ahi waxay leeyihiin hawshooda, jimidhkooda iyo qaabkoodaba. Dhirta iyo xayawaanka badankoodu waxay leeyihiin unugyo badan waxaase ku jira qaar ka koobanunug qur ah oo la yiraahdo hal-unugley. Unugyada ugu yar yari sida bakteeriyada aad bay u yar yar yihiin oowaxaa qur ah oo lagu arki karaa weyneeyeha waxaan ugu waaweyn ugxanta shinbiraha. Unugyada badankooda , waxaa dhererkoodu u dhexeeyaa 0.025 cm. (1/100") iyo 0.0025 cm. (1/1000").

Jaantus; Hab-dhiska unugga dhirta [Gidaar unug]; ka Seluloos, Saytoo blaasm [Xuub balaasmeed] [Brotobalaasim]

Dhiska gudaha ee unugga

Bu'da unugga oo lagu fiiriyey weyneyso Cell nucleus

Unuggu wuxuu ka kooban yahay gidaar-unug, xuub-balasmeed iyo Borotoobalaasim. Gidaarka-unuggu wuxuu ka koobanyahay seluloos. Gidaarka unugga gudihiisa waxaa ku jira Saytoobaasim waxayna ka kooban tahay iskujiryo kakan oo ah iskudhisyo kimikeed, waxaana ku jira qayb qayb weyn oo biya ah.

Saytoobalaasim

Saytoobalaasim waa wax isjiidaaya oo u eg ukunta inteeda cad. Waxaa dusha kaga wareegsa saytoobalaasimka xuub-balaasmeed khafiif ah waana mid aad muhiim u ah waayo wuxuu xukumaa wax allaaliyo wixii soo gelaya saytoobalaasimka. Saytoobalaasimku waxay leedahay dulalaati la yiraahdo daloollada unugga. fuuqa ku jirana waa milan biyood oo ay ku jiraan sonkor iyo walxo kale.

Bu'da

Saytoobalaasimka waaxaa ku jira jir giraansan ama wareegsan oo la yraahdo bu' oo aan sida caadiga ah aan la arki karin illaa la midabeeyo. Bu'da aad iyo aad ayay muhiim u tahay oo waxay xukuntaa hababka nololeed ee unugga. Haddii unuggu laba qaybood loo kala qaybiyo oo bu'da qayb ka mid ah labada qaybood la raacsiiyo, waxaa noolaata oo qur ah qaybta bu'da wadata.

Borotoobalaasim

Borotoobalaasim waa alaabta nool ee unugga waxayna ka kooban tahay bu'da iyo Saytoobalaasimka.

The article is a derivative under the Creative Commons Attribution-ShareAlike License. A link to the original article can be found here and attribution parties here. By using this site, you agree to the Terms of Use. Gpedia Ⓡ is a registered trademark of the Cyberajah Pty Ltd.