Gpedia:Maqaalka Cusub Bogga Hore

Jump to navigation Jump to search
  • Waxay ka mid tahay Maqaalka Cusub Bogga Hore taasoo lagu soo ban dhigayo bogga hore si tira koob ah "Tirada Maqaalada". Hagaaji
  • Markii la go'aamiyo maqaal cusub:
  1. U guuri qoraalka kaasoo ku jiray halkaan kaydka maqaalada cusub bogga qaybtiisa hoose.
  2. Halkaan uga dar magaca maqaalka Template:Maqaalka Cusub Bogga Hore/Kala Hormarin.
  3. Hadii aad taariikh ku beegeeyso, Fadlan maalin ku haboon ku aadi Template:Liiska Munaasabadaha Maqaalka Cusub Bogga Hore/Kala Hormarin.
  • Maqaalka hadda tirsigiisu waa: 5

[[Gpedia:Maqaalka Cusub Bogga Hore/5 |Wax ka bedelka maqaalka hadda]]

Kiinya

Kiinya waa wadan dhaca bariga Afrika. Waxey xad la wadaagtaa wadamada Tansaaniya , Ugaandha, Soomaaliya iyo Itoobiya . Dhinaca barina waxaa kaga dhagan Badweynta Hindiya. caasimada wadanka Kenya waa Nayroobi. Wadanka kiinya wuxuu ka mid yahay wadamada ee ku badan yihiin Xayawaanaadka ee Qaarada Afrika. Sida Libaaxa, Waraabaha iyo Shabeelka. waa wadan ay aduunka u-soo dalxiisaan oo na dhaqaale-hiisa kor u socdo, dhaqaalahas oo ka yimaada xagga beeraha qaadka. wadanka magaciisa waxaa lagu magac daray Mount kenya ama (buurta kiinya). Waa buurta ugu ween wadanka kiinya, waana midda labaad oo ugu ween qaarada afrika. waayadi hore waxaa la dhihi jiray wadanka British East Afrika, waa marki uu ingriiska gumeensan jiray kenya iyo yugandha. Waayadii hore inta uuna wadanku soo galin gumeesigii ingriiska, wadanka gudihiisa waxaa ku noolaa dad ayaga ismaamuli jiray oo bantu ah ama jareer, laakiin dhinaca xeebaha waxaa ganacsi ka sameen jiray carabta oo waqtigaas ka ganacsan jirtay bariga afrika, Bortuqiiska waqtiga oo maamulkiisa bilaabay 1500, waxeey la canacsan jireen carabta oo waagaas ka shaqeenaayeen magaalada Mombaaso. Dadka bantuga ahaa oo degenaan jiray gudaha dalka Kenya, uma shaqeen jirin sida dadka degenaa xeebaha, Laakiin dadka masaayda ayaa bilaabay dhaq dhaqaaq dhinaca xukunka ah taariikhda marka ee eheed 1800, laakiin dhaq dhaqaaqaas waa joogsaday sanado badan kadib markii uu wadanku qabsaday cudur xoolaha dhameeyay. Wadanka kenya gaar ahaan dhinaca xeebaha wuxuu markiisii hore ahaa meel ay carabtu ku ganacsan jirtay adoomada, gaar ahaan meesha ay carabta u gaarka ahyd ee zanzibar. Kenya waxaa qabsaday Ingriiska taariikhda marka ee eheed 1895tii, Muran ayaa ka socon jiray shirkii barliin oo ahaa meesha dhulalka lagu kala qeebsan jiray, shirkaas waxoo ku dhamaaday ingriiska oo qaatay Zanzibar,kenya iyo Yugandha, waxaana loogu magacaabay Ingriiska Bariga Afrika.Markii la dhameeyay jidkii tareenka oo ku yaalay meesha biyo deegaanka ah ee fiktoriya 1902dii, waxaa lagu go'aan gaaray in ee shacab yurubiyaanka ee u so guuraan kenya intii ee san jecleesan wadankii la dhihi jiray (Rhodesia) oo maanta ku yaalo Simbaabwi iyo Koonfur Afrika.Kenya waxee laheed dhul beeraad aad u weyn, dhulkaas neh waxaa degay ajaanibta ingriiska, isla markaas neh dadkii u dhashay dalka kenya gaar ahaan dadka Kikuyuga ah iyo dadka Masaayda ayaa la soo dajiyay dhulka, waxaana loo sameeyay shaqo oo wax soo saarkooda loo dhoofin jiray wadamada yuubiyanka,badanaa dadka qaarkood lacag raqiis ee ku shaqeen jireen ama amar, Kenya waxee ingriiska ka xoroowday 1963dii. (SII AQRI)

The article is a derivative under the Creative Commons Attribution-ShareAlike License. A link to the original article can be found here and attribution parties here. By using this site, you agree to the Terms of Use. Gpedia Ⓡ is a registered trademark of the Cyberajah Pty Ltd.