Xadiid

Jump to navigation Jump to search

Xadiid

Curiyaha Xadiidka.

Xadiid ama Aayron (Ingiriis: Iron) calaamad Fe waa curiye kimiko ah oo tiroda atomkiisu tahay labaatan-iyo-lix.[1] Curiyehan oo ah bir ayaa wuxuu yahay midka ugu caansan curiyeyaasha ee bani-aadamku isticmaali jireen tan iyo bilowgii ilbaximoda, waxaa ka horeeyay oo kali ah Naxaasta. Xadiidku waa birta kowaad ee Birta Ku Meelgaadhka ah (Transitional Metal), guruubka 8aad, heerka 4aad iyo d-block ee shaxda miiska Diwaanka Curiye.[2][3]

Xadiidka waa curiyeha afaraad ee ugu badan qolof dhulka, waxaana laga heli karaa inta u badan dhagax kasta oo dhulka laga helo. Aayronta saafiga ah weey jilicsan tahay, xataa ka jilicsan tahay Alumiiniyaamta, laakin sida badan waxay isku dhis la sameeysaa walxo kale, inta badan Kaarboonta si loo helo birta aan daxlin ee jaandiga (steel).[4][5]

Sida badan ayadoo lagu dhex darayo curiye kale ayaa isku dhiska Aayronta waxaa loo isticmaalaa waxyaabo badan oo dhismuhu ka mid yahay. Marka qadar yar oo Kaarboon ah lagu daro Aayroonta waxaa soo baxa birta aan daxlin ee Steelka taas oo 1000 jeer ka adag Aayroonta caadiga ah.[6]

Taariikhda Xadiidka

Atomka Aayronta

Fal-galka Curiyeha Kale

Isticmaalka Aayronta

Ciwaano La Mid Ah

Sidoo kale akhri:

Xigasho

  1. "Aayron (Ingiriis: Iron) calaamad Fe"
  2. "Xadiidku waa birta kowaad ee Birta Ku Meelgaadhka ah (Transitional Metal), guruubka 8aad, heerka 4aad"
  3. "d-block ee shaxda miiska Diwaanka Curiye"
  4. "Aayronta saafiga ah weey jilicsan tahay, xataa ka jilicsan tahay Alumiiniyaamta"
  5. "Kaarboonta si loo helo birta aan daxlin ee jaandiga"
  6. Birta Xadiidka & Isticmaalka Aadamaha. article by Ismaaciil Xuseen [faahfaahin?]
The article is a derivative under the Creative Commons Attribution-ShareAlike License. A link to the original article can be found here and attribution parties here. By using this site, you agree to the Terms of Use. Gpedia Ⓡ is a registered trademark of the Cyberajah Pty Ltd.